Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Culmadii Tabliiqa oo ay Ciidamada Itoobiya Qabteen oo Lasiidaayey
Pirates Threaten Food-Aid to Somalia: 2008.07.19
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:63
Date:23-07-2008
Bye Bye  - Maria Carey
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:103
Date:22-07-2008
bob marley - no woman no cry
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:39
Date:22-07-2008
Somali supermodels
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:271
Date:20-07-2008
Rihanna - Hate That I Love You
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:824
Date:20-07-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 14 2008
Culmadii Tabliiqa oo ay Ciidamada Itoobiya Qabteen oo Lasiidaayey
Written by Ilyaas Axmed   
Wednesday, 14 May 2008

Belewyne,(insidesomalia.org)-15kii Wadaad ee Tabliiqa ahaa ay maanta ku qabteen Ciidamada Itoobiyaanka Masjid ku yaalo gudaha Magaalada B/weyne ayaa saacado ka dib lasii daayey ka dib markii ay baareen oo ay wax ku waayeen.

Culumadan ayaa waxaa ay ahaayeen Jameeco xalay soo gaartay Magaalada B/weyne oo doonayay in maalmo ay ku sugnaadaan, islamarkaan dadku ay ugu wacaan Diinta Islaamka iyo ku dhawaasha xaga alle sida caadada u ah Culumada loo yaqaano Tabliiqa ee iyagu safar ah ku maro meelo badan oo Dalka Soomaaliya ah iyo waliba dibada.

waxaana maanta Culumadaasi oo ku jiray masjid ku dhaxyaalo gudaha iskuulka mujamac dhiiba ee xaafada irid-aamin ee magaalada B/weyne Ciidamada Itoobiyaanka ka shakiyeen, islamarkaan u ka xeysteen deegaanka Buurto janto-kundhiso ee duleedka bari ee Magaalada fariisinkana u ah Ciidamada Itoobiyaanka.


siideysmada Culumadaan Tabliiqa ah ayaa la sheegay in aysan wax gacan ah ka geysan dadka Magaalada B/weyne hadii ay ahaan lahaayeen Culumada diinka, Odayaasha Dhaqanka, Ugaasyada, Siyaasiyiinta, iyo Bulshada Rayidka ah, kuwaasoo intuba haatan aaney jirin cid sitoos ah xariir ula leh Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo degay dhawaan daafaha Magaalada B/weyne.

dhanka kale Ciidamada Itoobiyaanka ee xalay ilaa saaka soo galay Magaalada B/weyne ayaa waxaa ay sameysteen fariisimo cusub, kuwaasoo ay ka mid yihiin xarunta Maamulka Gobolka, waxayna ka qoteen dhufeysoyo waa weyn.

Dhufeysyadan ay qoteen Ciidamada Itoobiyaanka ayaa wal wal iyo cabsi ku beertay dadka ku dhaqan Magaalada B/weyne, waxaana haatan dadka kunaalaa xaafadaha lamo-galaay iyo kooshin ay bilaabeen in ay guryahooda ka bara kacaan iyagoo ka baqin qabo in dhibaato ay ka soo gaarto hadii la soo weeraro Itoobiyaanka.



maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa looga bartay Ciidamada Itoobiyaanka markii ay soo galaan gudaha Magaalada B/weyne in ay dib uga baxaan, balse haatan arrintaasi waxaad moodaa in ay is badashay oo waxaa ay u muuqataa mid ay Ciidamada Itoobiyaanka ku nagaadi doonaan ilaa mudo gudaha Magaalada.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >